Saciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay mas'uuliyiin cusub

Image

GAROWE, Puntland - Maxamed Axmed Muumin ayaa loo magacaabay guddoomiyaha Balli-dhiddin, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Sidda ku cad wareegtada lagu daabacay bogga Facebook ee Madaxtooyadda, guddoomiye ku xigeenka waxaa laga dhigay Cabdiqani Maxamuud Ciise.

Digreetadda waxaa lagu caddeeyay in magacaabidan ay tahay kumeel-gaar.

Hoos ka daalaco wareegtada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-48 ugu magacaabay degmada Balli-dhiddin Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: in ay dhammaatay mudo xileedkii Golaha Deegaanka Degamadda Billi-dhiddin, walinna aysan suurto gelin in la dhiso Gole deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Axmed Muumin si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiddin.

2. Waxaa Cabdiqani Maxamuud Ciise si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Balli-dhiddin.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-62 ugu magacaabay degmada Qandala Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: In uu dhintay Guddoomiyihii Degmada, walina aysan suurto galin in la dhiso Gole Deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Qandala.

2. Waxaa Maxamed Jaamac Muuse (Cadaysay) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Qandala.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM