​Maamulka Bari oo barakacayaasha kala shiray ammaanka

Image

BOSASO- Maamulka gobolka Bari ayaa maanta kulan la qaatay xubno matalayay bulshada barakaacayaasha ah ee ku dhaqan xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso, waxaana kulankasi looga hadlayay ammaanka iyo qaabkii looga hortagi laha waxyaabaha keeni kara xasilooni darrada.

Axmed Cabdullaahi Cali, gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyay shirkaasi  iyo waxyaabaha diiradda lagu saaray isagoo sheegay inay isku afgarteen xaqdhowr loo sameeyo wada noolaanshaha iyo Islaanimada.

Cali, ayaa tilmaamay inay isla meeldhigeen xuquuqda dadka barakacayaasha ah ku leeyihiin gobolka Bari, wuxuuna tilmaamay inay dadkaasi leeyihiin xuquuqda ay heelaan shacabka u dhashay Puntland.

Maamulka gobolka Bari, ayaa tilmaamay in isla meeldhigeen sidii Barakacayaashu isaga dhex dooran lahaayeen 5 qof oo kamid noqda nabadoonnada gobolka, kuwaasoo laamaha ammaanka ka caawiya ilaalinta nabadgalyada islamarkaana goob joog ka noqda shirarka gobolka ka dhaca.

"Waxaa isla garanay in dadka Koonfur kayimi ha ahaadeen Digil iyo Mirifle ama ha ka yimaadeen Jubbooyinka inay noqdaan reer Bosasood, waa dadka gobolka u dhashay intaas oo sano daganaa carruurtooda xitaa qayb ayaan aqoon Af-Mayga sababtoo ah halkaan ayay ku dhasheen Iskullada ayayna dhigtaan,"Sidaasi waxaa yiri gudoomiye ku-xigeenka gobolka Bari.

Maaha kulankii ugu horaysay ee dhexmara maamulka gobolka Bari iyo barkacayaasha ku dhaqan xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli la adkeeyay ammaanka Puntland iyadoo laga hortagayo falal amni darro ay fuliyaan kooxaha nabad diidka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM