Maamulka cusub ee Rugta Ganacsiga Puntland oo xilka la wareegey

Image
Image
Image
Image
Image
Image

January 11, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegeen madaxdii hore ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo madaxda cusub ee dhowaanta lasoo doortay.

Xafladda xil-wareejinta oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku kasoo qayb galeen waxaa ugu horreyn ka hadlay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Rugta Maxamed Caydiid Dirir isagoo hambalyo u diray hoggaanka cusub sheegayna inuu si dhow ula shaqeyn doono.

Cabdiraxmaan Jaamac Warsame oo ah guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga oo intaas kadib hadalka qaatey ayaa uga mahadceliyey maamulkii hore qaabka hufan ee ay xilka u wareejiyeen.

Mar uu ka hadlayey qorshahooda mustaqbalka dhow wuxuu sheegay inay la iman doonaan fikaro horumarineed oo cusub islamarkaana dadaal badan ku bixin doonaan sidii loo kobcin lahaa ganacsiga maalgashigana loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xafladda xil-wareejinta soo xiray ayaa ku booriyey ganacsatada reer Puntland inay isku duubnaadaan dadaal badanna geliyaan sidii wax soo saarka gudaha loo kordhin lahaa.

December 25, 2014 ayaa magaalada Bosaso lagu doortay hoggaanka cusub ee Rugta Ganacsiga Puntland oo iyadu ah hay'ad madax bannaan oo shirkadaha ganacsigu ku mideysan yihiin wadashaqeyn dhowna laleh Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM