Maamulka degmada Eyl oo dhul ugu deeqay ciidanka PMPF

Image
Image

December 20, 2014 (GO)- Maamulka degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa dhul bedkiisu yahay 300 oo mitir oo labo jibbaaran ugu deeqay ciidanka badda ee Puntland PMPF.

Taliyaha ciidamada badda Admiral Cabdirisaaq Diiriye Farax oo booqasho ku tegey Eyl ayaa lasoo wareegey dhulkan oo sida qorshuhu yahay laga dhisi doono saldhigga ugu weyn gobolka Nugaal.

Diiriye ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo bulshada deegaanka qaabka fiican ee ay usoo dhoweeyeen iyo weliba dhulka ciidanka loogu deeqay.

Degmada Eyl waxaa horay ugu taaley xero yar oo fariisin u ah cutub ka tirsan ciidanka PMPF.

Ciidamada badda Puntland oo kamid ah kuwa ugu tayada fiican dhammaan ciidamada qalabka sida ee Puntland, waxaa sanadkii 2010 hirgelisey dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyadoo taageero ka heleysa beesha caalamka gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM