Maamulka degmada Garowe oo xaflad caleemo saar sameystey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

12 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe lagu qabtey xaflada lagu caleemo saarayay mas'uuliyiinta maamulka degmada Garowe oo dhawaan ku soo baxay doorasho ka dhacday magaalo madaxda Puntland.

Xafladda waxaa ka qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wasiiro, xildhibaano, waxgarad iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Munaasibaddan oo saacado socotay ayaa looga hadlay arimo ku saabsan isbadalkii dhawaan dhacay magaalo madaxda taasoo doorashada loogu doortey  hoggaanka cusub ee degmada Garowe iyo qaabkii loo sameyn lahaa hormar.

Guddoomiyaha degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise "Goodir" oo maanta is-caleemo saarey ayaa sheegay inuu degmada ka hirgalin doono mashaariic kala duwan oo isugu jirta waddooyin cusub, Layrar lagu xiro goobaha muhiimka iyo sidii caasumadda loogu heli lahaa maalgashi.

Waa markii ugu horeysay oo la caleemo saaro guddoomiye degmo taariikhda Puntland, lama oga inta uu le'egyahay kharashka ku baxay xafladdan maadaama bilihii ugu dambeeyey uu yaraa dakhliga soo gala degmooyinka Puntland

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM