Maamulka gobolka Bari oo ka hadlay cabashada ganacsatada Bosaso

Image

05 January, 2016(GO)-Maamulka gobolka Bari ayaa maanta ka hadlay cabshada iyo shaqa joojinta ay sameeyeen ganacsatada magalada Bosaso kuwaasi oo ka biyo diiday canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays Dhedo oo warbaahinta kula hadlay xarunta ganacsiga Puntland, ayaa sheegay inay laga hishiiyay arrinta ganacsatadu ka cowdeen, wuxuuna tilmaamay in 15 bishan u ballansanyihiin dhammaynta waxyaabaha la isku khilaafay.

Dhedo ayaa tilmaamay in ganacsigu sidii hore ku soo laabtay, howsha keentay kala aragti duwaantana tahay mid ku kooban shakhsiyaad gooni ah balse ay jiraan ganacsato badan oo arrinta dowladda ogolaatay.

Dhinaca kale mid kamid ah ganacsatada ka cowday canshuurta lagu kordhiyay oo magaciisa codsaday in la qariyo ayaa Radio Garowe u sheegay in canshuurta loo kordhiyay qaab ka bad-badis ah, taasina keentay inay qaadan waayaan, isagoo xusay inay saameysay shaqa joojintooda dadka ku nool magalada. Halkan ka dhagayso

Cabshada ganacsatada Bosaso waxaa ka horaysay mid ay sameeyeen qaar kamid ah kuwa ku nool magalada Garowe kadib markii qaabkan oo kale loo siyaadiyay canshuurta laga qaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM