Maamulka gobolka Kar-kaar oo xilka la wareegay

Image

11 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha dhawaan loo soo magacabay gobolka Kar-kaar Cabdulqaadir Ciise Carshe"Dhaqaaje" ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay ka dib munaasab lagu qabtay degmada Qardho.

Xafladda waxa joogay maamulkii hore, odoyaasha dhaqanka iyo bulshada qaybahooda kala duwan.

Gudoomiyihii hore ee gobolkaasi Cabdiquraan Maxamed Aadan oo soo dhaweyay maamulka cusub ayaa sheegay inuu la yimi waxqabad ballaaran intii uu xafiiska joogay, halka uu xusay qaybo ka mid ah shaqooyinkii loo igmaday oo duruufo jira awgood u qabsoomi waayay.

Dhanka kale, Gudoomiyaha cusub Cabdulqaadir Ciise Carshe"Dhaqaaje" ayaa sheegay inuu sameyn doono waxqabad kana soo bixi doono shaqada loo dhiibay.

Waxgarad ka hadlay xilwareejinta ayaa dhankooda soo dhaweeyay isbadalka gobolka ka dhacay, waxayna sheegeen inay la shaqayn doonaan maamulka cusub.

Xilwareejinta gobolka ayaa imaanaysa xilli dhawaan la doortay maamulka degmada Qardho.

GAROWEONOLINE 

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM

Soomaaliya: Hoggaamiyaha Daacish oo La La’yahay Iyadoo Kooxdiisa looga adkaadey Dagaalka Cal-Miskaad  

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore si maldahan u sheegay in Muumin laga yaabo in la dilay.

  • Puntland

    22-10-2025

  • 06:06PM