Maareeye ku xigeenkii shirkadda Golis oo Bosaso lagu dilay

Image

BOSASO, Puntland- Maareeye ku xigeenkii shirkadda Golis ayaa goordhaweyd lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah. 

Cabdullaahi Cali Cumar ayaa dablay ku hubasayn Bastoolado waxay ku dileen dhabarka dambe ee xarunta shirkadda Golis salaadii Cishe kadib.

Lama oga sababta loo dilay iyo cidda ka dambaysay falkaas.

Ilaa hadda dhacdadana kama aysan hadlin maamulka gobolka Bari, laamaha ammaanka iyo shirkadda uu katirsanaa mas'uulkaas. Amniga magaalada Boosaaso ayaa aad u jilicsan iyadoo dhowaan RW Soomaaliya oo qorsheynayey inuu booqasho ku tago magaalada Boosaso hay'adaha dowlada kula taliyeen in waqtigaan ay jiraan cabsiyo la qabo.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa goobta soo gaaray, waxayna nawaaxiga goobta dilku ka dhacay ka sameeyeen baaritaano.

Maaha markii ugu horaysay dilka caynkan ah uu ka dhaco magaalada Boosaaso, waxaana falalka dilalka Qorshaysan iyo qaraxyada isugu gaysta kooxaha argagixisada ah ee ku jira buuraha Gobolka Bari ee Shabaab iyo Daacish.

Kooxahaan ayaa si xor ah u bartilmaameedsada qofka ay rabaan iyadoo hay'adaha amniga aysan marnaba ku guuleysan bur-burinta shabakada dilalka qorsheysan ka gaysata magaalooyinka Puntland gaar ahaan Boosaso iyo Galkacayo.

Madaxweyne Gaas oo dhowaan xilka ka qaadey taliyihii ciidamada Sirdoonka ayaa weli magacaabin Taliye cusub iyadoo wararka GO helayo sheegayaan inuu balan qaad badan u sameeyey dad fara badan sidaas darteed uu ka gaabsadey inuu ku deg deg magacaabista sarkaal cusub.

Faah faahinta warkaan dib ayaan idiin ka soo gudbin doonaa hadii ALLE Idmo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM