Madasha Heritage ee Garowe oo dib-u-dhac ku yimid

Image

GAROWE, Puntland – Madasha Dooda Machadka Daraasaadka Siyaasadda Heritage ee lagu wadday in Talaadada maanta ah ka furanto caasimadda dowladda Puntland ee Garowe ayaa u baatay hoolkii loo qorsheeyay oo qaadi waayey martida.

Cabdirashiid Xaashi, agaasimaha Heritage oo shir jaraa'id qabtay, ayaa sheegay in madasha ay maalinta Arbacada ka furmi doonto hoolka Jaamacadda PSU.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayuu ka dhawaajiyey in uu soo jeediyey in goobtaas lagu qabto madasha.

Sidda laga soo xigtay agaasime Xaashi, ka qeybgaleyaasha ayaa tiradoodu dhan tahay 500 kuwaasoo isugu jira madax, siyaasiyiin, marti sharaf iyo xubno kale oo wehliya musharaxiinta madaxtinimada ee doorashooyinka sanadka 2020-21.

"Waxaan rajeynaynaa in madaxda ay si gooni-gooni isku arkaan inta madashu socoto islana xaliyaan arrimaha taagtaagan. Sidoo kale, waxaan fileynaa in war-murtiyeedka kasoo bixi doona shirka ay ku cadaan doonto qaabka looga gudbi karo arrimaha taag-taagan," ayuu Xaashi ka sheegay shirka jaraa'id.

Madasha Dooda Heritage oo sanadle ah ayaa xagaagan waxaa diiradda lagu saarayaa qaabkii Soomaaliya uga bixi lahayd kumeelgaarknimada dhanka doorashooyinka iyo dastuurka qabyadda ah ee hadda leeyahay waddanka.

Kalkan waxay kusoo aadey madasha iyadda oo is-mari-waa uu ka taagan yahay coddeynta heer Qaran si gaar ah guddiyadda maamulaya oo musharaxiinta iyo maamulada qaar dalbadeen in ay ku yimaadaan hanaan la isla ogol-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM