Madaxda bangiga dhexe ee Puntland oo amar la siiyey

Image
Image
Image
Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa maanta kormeeray xarunta bangiga ee magaalada Garowe.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray Banggiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Banggiga Dowladda, isagoo u kuurgalay sida shaqadu u socoto, waxaana uu warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Banggiga Dowladda iyo madaxda kale.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay masuuliyiinta Banggiga iyo shaqaalaha, wuxuuna faray in ay halkaasi kasii laba jiibaaraan adeega Banggigu u hayo dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM