Madaxda Puntland oo kulan wadatashi la yeeshay bulshada Garowe [Dhagayso]

Image

28 December, 2015(GO)-Waxaa maanta lagu qabtay magalada Garowe kulan wadatashi oo u dhaxeeyay madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana looga hadlay doorashada dalka Somalia ka dhici doonta 2016.

Shirka oo saxaafaddu dibadda ka joogtay ayaa socday muddo saacado ah, waxaana la isku dhaafsaday xog ku saabsan qaabka ugu haboon ee doorashada lagu wajihi karo, iyadoo madaxdu soo bandhigeen warbixinno ku aadan waxyaabihii ay kala soo kulmeen shirkii Muqdishu.

Wasiirka wasaaradda Degaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo warfidiyeenka la hadlay kulanka kadib ayaa kawaramay waxyaabihaa madaxda iyo shacabku isweydaarsadeen, wuxuuna sheegay in shirkaasi daba socday kulamo dowladdu kula tashanayso bulshadeeda, kuwaasi oo ku wajahan doorashada sannadka dambe.

Cali Cabdillaahi ayaa tilmaamay mudadi ay kulanka ku lahaayeen PDRC in shacabku u soo bandhigeen talooyin islamarkaan dowladdu u gudbisay warbixinno ku saabsan habraaca doorashada ee lagu go'aamin doono magalada Kismayo.

Shirkan dowladdu ugu yeertay watashiga ayaa ku soo beegmaya xilli dadweynuhu ka cabsi qabaan qaadasha nidaamka qabaliga ah in lagu soo dhiso dowladda imaan doonta 2016, waxaana Puntland horay uga dhacay dibad baxyo ka dhan ah 4.5.

Dowladda Puntland ayaa horay u sheegtay inay tixgalin doonto rabitaanka shacabkeeda, waxaana jira cadaadis uga imaanaya dowladda Somalia taasoo taageersan habka wax ku qaybsiga beelaha, lamana saadaalin karo in go'aanka Puntland wax iska badali doono iyo in kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM