Madaxda Puntland oo qaabishay 13 jir farsamooyin soo bandhigay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

04 January, 2016(GO)-Madaxda Puntland oo weheliyaan xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa kulan dhiiri galin ah la qaadatay will da'yar oo dhawaan degmada Buuhoodle ku soo bandhigay farsamooyin uu ku matalay diyaarad iyo gawaarida noocyadooda kala duwan.

Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada Puntland ayaa Guuleed Aadan Cabdi oo jira 13-sanno madaxdu ugu sameynayeen dhiiri galin iyo inuu sii wato waxbarashadiisa maraysa heerka saddexaad ee dugsiga hoose.

Guuleed ayaa soo bandhigay aalado macmal oo laga sameeyay caagado iyo agab kale kuwaasi oo ku matalay gawaarida sida; Xamuulka, diyaard iyo marawaxad wuxuuna alladan sameeyay isagoo adeegsanaya daynabooyin iyo fiilooyin uu kasaaray ashyaa la tuuray.

Wiilkan oo ka dhashay qoys danyar ah, aabihiisna geeriyooda ayaa laga soo kaxeeyay degmada Buuhoodle xarunta gobolka Cayn, waxaana arrintani timi kadib markii labaahiyay muqaalo katurjumaya farsamooyinkiisa. 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulanka lagu dhiiri galinaya Guuleed ka hadlay ayaa sheegay inuu wiilkan leeyahay maskax fiican isagoo ALLE uga baryey cimrigiisa inuu u barakeeyo, aqoontiisana u siyaadiyo, isagoo arrinta ku tilmaamay mid layaab leh. 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay ayaa goobta ka sheegay inay meel saari doonaan waxbarashada Guuleed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM