Madaxda warbaahinta madaxa bannaan ee PL oo la baafinayo

Image

July 4, 2015 (GO)- Farrriin ka timid Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo laga baahiyey Telefishinka ku hadla afka Dowladda Puntland (PLTV), ayaa lagu baafiyey magacyada ku dhowaad labaatan mas'uul oo kamid ah madaxda warbaahinta madaxa bannaan ee ka hawlgasha Puntland.

Mas'uuliyiinta la baafiyey oo u badan agaasimeyaasha idaacadaha, telefishinnada iyo mareegaha internetka, waxaa lagu amray inay ka soo qayb galaan kulan maalinta Talaadada ee soo aaddan (July 7, 2015) ka dhici doona xarunta wasaaradda ee Garowe, arrintaas oo dad badan layaab ku noqotey.

Su'aasha aadka laysu weydiinayo ayaa ah sababta ku kalliftey Wasaaradda Warfaafinta in ay warbaahin caalami ah ka baafiso dad si fudud loogu wargelin karey inay kulankaas soo xaadiraan.

Sidoo kale, qaar badan oo kamid ah bahda warbaahinta Puntland ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid aan munaasib ahayn islamarkaana meel ka dhac ku ah baratakoolka dowliga ah.

Dhanka kale, arrintan ayaa noqotey mid si weyn loogu faalleeyey baraha bulshadu ku xiriirto gaar ahaan Facebook.

Maalmo kahor ayey ahayd markii lagu amray maamulka iyo shaqaalaha Puntland TV inaysn baahin karin wararka ka baxsan Puntland, maadaama markii hore telefishinka laga sii deyn jirey wararka laga soo diray gobollada dhexe iyo koonfurta.

Telefishinka iyo idaacadda ku hadla afka dowladda Puntland oo markii hore si toos ah u hoos tegi jirey madaxtooyada, bishii March ee lasoo dhaafay ayaa la hoos geeyey Wasaaradda Warfaafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM