Madaxii Shirkadda DP World ee Dekadda Boosaaso oo la dilay

Image

BOOSAASO, Puntland - Wararka laga helayo xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in nin hubeysan oo ku dilay saaka gudaha magaaladda Boosaaso, Sarkaal sare oo u shaqeynayay Shirkadda P&O ports, oo ay leedahay DP World.

Illo ku dhaw Booliska ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Paul Anthony Fermosa oo madax u ahaa Shirkadda qeybta Dekedda Boosaaso uu ku dhintay rasaas uu ku furay nin hubeysan.

Paul Anthony Fermosa, ayaa ku geeriyoodey isla goobta, iyadoo sidoo kale rasaastii lagu dilay ay ku dhaawacmeen saddex askari oo illaalo u ahayd, sida ay sheegeen Saraakiil laamaha amniga Boosaaso.

Ninka la dilay ayaa wararku sheegayaan in uu haystay dhalashada Talyaaniga iyo Malta.

Lama sheegin cid ka dambeysay talaabadaan balse magalaada Boosaaso iyo gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa aad ugu xoogan kooxaha Al shabaab iyo Daacish kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey ku dagaalmayey buuraha Barri.

Shirkada DP ayaa maamulka Puntland horey ula gashay heshiis 30 sano ah, oo ay ku maamulayso Dekadda magaalada Boosaaso.

Wixii kusoo kordhaa xaaladda Boosaaso, kala soco wararkeena damabe.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM