Madaxtooyada Puntland oo beenisey waraaq been abuur ah

Image

May 17, 2015 (GO)- Madaxtooyada Puntland ayaa beenisey warqad la sheegay inay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu baahiyey baraha bulshadu ku wada xiriirto gaar ahaan Facebook.

Warqadda oo loo qorey qaabka digreeto, waxaa lagu sheegay in lakala direy golaha deegaanka ee degmada Garowe isalmarkaana xilka laga qaadey duqa degmada Garowe.

Sida Garowe Online xog hoose ku heshay, waxaa qoraalkan been abuurka ah baahiyey xubno xil doon ah oo muddooyinkii u dambeeyey ku wareegayey xafiisyada madaxtooyada.

Wararka ayaa dhinaca kale sheegaya in saraakiisha madaxtooyada gaar ahaan afhayeenka xafiiska madaxweynaha beeniyey qoraalkaan kadib markii lagala tashadey Mud.Cabdiweli Gaas. 

Kala diris xilligan lagu sameeyo xildhibaannada Golaha Deegaanka Garowe ayaa ah mid aan wax micne ah sameyn doonin maadaama waqtigiisu ku egyahay bisha August ee soo socota, markaas oo loo dooran doono gole deegaan oo cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM