Madaxtooyada oo ka warbixisay kulanka Deni iyo Isimada Mudug

Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, Isimada, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka socdey Guddiga horumarinta Gobolka Mudug.

Muhiimadda kulanka oo uu faahfaahiyey Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Jama Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, xasiloonida iyo horumarinta gobolka.

“Madaxweynha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu caawa xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacayo kulan kula qaatay hogaanka dhaqanka gobolka Mudug, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka iyo Gudiga horumarinta Gobolka, Madaxweyne Deni ayaa dhagaystay warbixin ay kasoo gudbiyeen xaaladda guud ee gobolka waxaa ay ka warameen horumarka socda, caqabadaha, Fursadaha iyo baahiyaha gobolka ka jira".

"Madaxweynaha ayaa aad uga mahad celiyey sida quruxada badan ee qoraalka ah ee xaaladda gobolka uga warbixiyeen, waxaana uu sheegay in Dowladdu wax badan ka qabanayso baahiyaha ka jira gobolka, iyada oo loo kala horumarinayo sida ay u kala mudan yihiin, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu ku baaqay in laga wadashaqeeyo amniga" Ayuu yirin Afhayeenka Dowladda

Puntland State House

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM