Madaxtooyadda Puntland oo si KMG ah u hakisay in lala kulmo Deni

Image

GAROWE, Puntland - War kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland maanta oo Talaado ah, ayaa lagu shaaciyay in si KMG ah loo hakiyay ballamada iyo qaabilaadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa lagu sheegay in duruufo jira awgood loo joojiyay qaabiladda uu mudane Deni qaabili jiray dadweynaha iyo xubnaha Gollayaasha dowladda, illaa amar dambe.

Taliyeyaasha iyo Agaasimayaasha Madaxtooyadda ayaa lagu wargeliyay go'aankan, iyadoo aan lagu sheegin qoraalka duruufaha keenay hakinta kulamadii lala yeelan jiray Madaxweynaha.

Tani ayaa kusoo aadaysa xilli Madaxweyne Deni uu ku mashquulsan yahay soo xulista Gollahiisa wasiiradda, oo lagu wada inuu ku dhawaaqo kahor 14-ka bishan.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM