Madaxwaynaha Puntland oo kusoo wajahan Garowe

Image

November 2, 2014 (GO)- Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo asbuucyadii lasoo dhaafay ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa saaka oo Axad ah kusoo wajahan magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Ammaanka magaladda ayaa si weyn loo adkeeyay waxana lagu wadaa saacadaha soo socda Dr.Gaas iyo masuuliyiinta la socota inay soo gaaraan magalada iyadoona hadda la diyaarshay dadkii soo dhaweyn lahaa.

Madaxwayne Gaas ayaa kasoo qayb galay shirar ka dhacay London iyo Dubai kuwaasoo looga hadlayay Maalgashiga Africa iyo la-dalanaka Burcad badeeda.

Shalay galinkii danbe ayuu soo gaaray Gaas magaladda Addis ababa halkaasoo uu kulan kula qaatay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Waxa uu sheegay Gaas intii uu ku sugnaa London inuu wax badan qabtay mudadii uu xafiiska joogay ayna ka go'an tahay sidii Puntland meel wanaagsan loo gaarsiin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM