Madaxwayne Deni oo booqdey dhaawacyada weerarkii la fashiliyay ee ISIL

Image
Madaxwaynaha ayaa boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isbitaalka ku booqday Ciidamada Difaaca Puntland ee ku dhaawacmay saaka iyagoo cashar lama illaawaan ah u dhigaya Argagixisada Daacish.

Deni ayaa garab istaag u muujiyey ciidanka isagoo faray Guddiga taakuleynta iyo daryeelka in ay si dhow ula socdaan xaaladooda, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda.

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor oo ugu hambalyeeyey Ciidanka Difaaca Puntland guusha taariikhiga ah ee ay gaadheen.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamdeena qalabka sida ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland (Puntland Counter-Terrorism
Operations) guusha la mahadiyey iyo jabka lama ilaawaanka ah ee ay saaka u geysteen Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

Ciidanka Dowladda Puntland waxay ku astaysan yihiin in ay dabar gooyaan argagixisada, iyagoo ku jebiya duulaan kasta oo Argagixiso kusoo qaado deegannada Puntland.

Shacabka reer Puntland meel walba oo ay joogaan waxaan ku boorinayaa inay garab istaagaan Ciidankooda garabna ku siiyaann sidii loo soo afjari lahaa Kooxaha caadaystay daadinta dhiigeena iyo burburinta maalkeenaba, si gaar ah waxaan fariin u dirayaa bulshadeena degan goobaha hawl galadu ka socdaan inay kaalintooda adkeeyaan, sidoo kalena ay xoojiyaan sidii ay xogaha ku saabsan dhagar qabayaasha ula wadaagi lahaayeen Ciidanka”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM