Madaxwayne Deni oo mas'uuliyiin cusub magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu xalay soo saarey wareegto uu Guddoomiye cusub ugu magacaabay Gobolka Sanaag, sidda ay ku dhawaaqdey Madaxtooyadda maamulkan.

Sidda ku xusan wareegtadda, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag ayaa dhankiisa waxaa isna loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Siciid Axmed Jaamac Maxamed ayaa, sidda ku cad digreetada lagu faafiyey barta Facebook ee Madaxtooyadda, waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

Halka Cali Xuseen Soomaali, Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag, loo xushay loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddoomiye u magacaabay Gobolka Sanaag, Iyadoo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag isna loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha maamul iyo horumarineed ee Gobolka Sanaag.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

Waxaa Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.


Shalay ayay ahayd markii,  G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag, halka Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM