Madaxwayne Deni oo mas'uuliyiin cusub magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu xalay soo saarey wareegto uu Guddoomiye cusub ugu magacaabay Gobolka Sanaag, sidda ay ku dhawaaqdey Madaxtooyadda maamulkan.

Sidda ku xusan wareegtadda, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag ayaa dhankiisa waxaa isna loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Siciid Axmed Jaamac Maxamed ayaa, sidda ku cad digreetada lagu faafiyey barta Facebook ee Madaxtooyadda, waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

Halka Cali Xuseen Soomaali, Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag, loo xushay loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddoomiye u magacaabay Gobolka Sanaag, Iyadoo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag isna loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha maamul iyo horumarineed ee Gobolka Sanaag.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

Waxaa Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.


Shalay ayay ahayd markii,  G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag, halka Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM