Madaxwayne Deni oo qaabilay hay’ad ka dhisan waddanka Mareykanka

Image
Dhakhaatiirtan ayaa sanadkii labo mar u yimaada dalka in ay la shaqeeyaan Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Global Health Alliance ee ka dhisan Wadanka Maraykanka Gobolka Minnesota, Hay’addan ayaa waxaa ku mideysan dhakhaatiir Soomaali iyo Ajanabi isugu jirta.

Dhakhaatiirtan ayaa sanadkii labo mar u yimaada dalka in ay Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka kala shaqeeyaan horumarinta Caafimaadka, sida tababarada, qalabeynta iyo adeegga danbeysan caafimaadka oo markii ugu horeeyay Soomaaliya la keeno.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kal qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Mudane Shiikh Tawakal Ismaaciil oo ka socda Jaaliyadda Minnesota ee dalka Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM