Madaxwayne Deni oo qaatay kaarka codbixinta

Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha ururka KAAH, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka iska diiwaangeliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho si uu u codeeyo doorashada goleyaasha degaanka ee soo socota.

Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho kaga qeybgalay Shirkii arrimaha Doorashada Soomaaliya ee lagu heshiiyey ayaa shalay galabta wuxuu kusoo laabtay Garoowe.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Guddiga Doorashada iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaangelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafada.

Wuxuu ku dhiirigeliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada qeybqaato hirgelinta qorshaha Dowladda ee ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan.

Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo hadda guuleystay, wuxuu ka mid ahaa yoolashii uu ballan qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, Bulshada Puntland ayaana aad usoo dhoweysay in laga dhabeeyay nidaamka doorasho ee hal qof iyo hal cod.

Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee degmada Ufayn Cabdirixmaan Daahir Cali ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar kamida goobaha diiwaangalinta codbixiyaha ee degmada Ufayn iyo deegaanada hoosyimaada ee Kobdhexaad, Samakaab iyo Jeedaal.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu hawlwadeenada guddiga TPEC ee shaqada wada ku dhiirigaliyay shaqada ay hayaan. Sidoo kale bulshada deegaanadaas ayuu ku wacyigaliyay inay isdiiwaangashaan oo wakhtiga diiwaangalintu socoto ka faa'iidaystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM