Madaxwayne Gaas oo ka hadlay khilaafka masuuliyiinta DFS

Image

November 2, 2014 (GO)- Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magalada Garowe ayaa wax laga waydiiyay khilaafka masuuliyiinta Dowladda Federaalka u dhaxeeya.

Dr.Gaas ayaa sheegay inuusan wax badan kala socon khilaafka ka aloosan Villa Somalia hase yeeshee hadduu jiro uu saameyn ku yeelan doono Puntland waa sida uu hadalka u dhigay.

''Waxa la isku hayo waxay ku salaysan yihiin ma hayo, laakiin waxaan rajaynayaa khilaaf dan ma ahan, Soomaaliyana wanaag uma ahan, Annaga iyo wada shaqaynta DFS khilaaf halkaasi hadduu ka jiro dan uma ahan, marka waxaan jeclaan lahaa khilaafka in lagu dhameeyo Dastuurka'' Gaas ayaa sidaasi sheegay shir jaraa'id uu madaxtooyadda ku qabtay.

Khilaafka u dhaxeeya madaxwaynaha iyo Ra'iisul Wasaraha Somalia ayaa sii xoogaystay ka dib markii asbuucii hore uu Cabdiwali Shiikh Axmed isku shaadheyn ku sameeyay qaar ka mid ah gollihiisa wasiiradda.

Arrimaha kale uu Gaas shirka jaraa'id kaga hadlay waxaa ugu muhiim sanaa shirarkii ka dhacay London iyo Dubai oo looga hadlayay maalgashiga Africa iyo la-dagalanka burcadbeeda.

Soo dhawaynta wafdiga madaxwaynaha Puntland waxaa ka qayb galay madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan gollayaasha dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM