Madaxweyn Puntland oo aqabaley go'aankii xasaanada lagala noqdey xukuumadiisa [Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu hogaansanayo go'aankii Barlamanka uu xasaannada kaga qaaday golaha wasiirrada wuxuuna sheegay inuu muddada uu Dastuurku u ogol yahay uu ku soo dhisayo wasiiro cusub.

“Sida aad la wada socotaan waxaa maanta oo talaado ah bishunta tahay 18 July 2017  golaha Barlamanku Puntland uu xasaannadii kala noqdeen golaha wasiirada taasoo ah arrin Dastuuriya oo wajibaadkooda shaqo ka mid ah” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa intaasi raaciyey maddada uu u ogol yahay Dastuurka isagoo raacaya inuu soo magacaabo gole wasiiro ah oo cusub isagoo xusay inuu kala tashanayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Saxaafadda ayaan loo ogolaan inay wax su'aalo ah  Madaxweynaha waydiiyaan taasoo aysan sababayn sarakiisha Madaxtooyadu iyagoo codsigan jeediyey ka hor inta uusan bilaaban shirka jaraa'id .

Amaanka ayuu ku booriyey inay adkeyaan ciidamada amaanka iyo qaybaha bulshada .

Weli arrintan kama aysan hadlin golaha wasiirrada ee kalsoonida lagala noqdey. 

Madaxweyne Gaas ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey golihiisa xukuumada xasaanada lagala noqdo si guud.

Halkaan ka dhageyso hadalka Madaxweyne Gaas 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM