Madaxweynah cusub ee Puntland oo soo saarey Wareegtadii 2aad [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah soo saarey digreeto uu ku joojinayo Canshuur dhaafka iyo Canshuur dhimistii loo sameeyay hay'adaha dowladda, hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Amarkan ayaa la siiyay Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo la ogeysiiyay Xisaabiyaha Guud ee dowladda Puntland, Gudoomiyaha Hanti Dhowraha Guud, Wasaaradaha dowladda, Hay'adaha gaarka loo leeyahay iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Waa digreetadii labaad oo Madaxweynaha uu soo saaro, isagoo maalintii la doortay uu soo saarey amar lagu joojiyay in lacag lagala baxo akoonada dowladda ku leedahaya Bangiga Dhexe iyo Xawaaladaha, si looga hortago musuq-maasuq.

Doorashadii Deni, oo u dhacday si nabad iyo dimuqraadi ah, ayaa laga soo dhaweeyay dalka iyo dibadda, iyadoo Beesha Caalamka iyo Madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay usoo direen hambalyo iyo bogaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM