Madaxweynaha dalka Brundi oo ka digay halista Al-shabab

Image

Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa sheegay in dalkiisa ay halis kaga soo wajahan tahay Xarakada al-Shabaab ee Soomaaliya.

Madaxweyne Nkurunziza, ayaa markii u horaysay la hadlay warbaahinta caalamiga ah tan iyo markii uu dhacay afgambigii fashilmay ee la doonaayay in dowladdiisa lagu rido isbuucii hore.

Asaga oo ka hadlayay Bujumbura, Pierre Nkurunziza waxa uu si kooban uga hadlay halista Burundi, Kenya iyo Uganda ka haysata ururka Al-shabaab, waxa uuna qiray in ay jirto halis al-Shabaab.

Weriyaha BBC-da ee halkaasi ku sugan waxa uu sheegayaa in madaxweynuhu uusan marna soo hadal qaadin, Afgembiga iyo qalalaasaha hadda dalkiisa ka taagan.

Kaddib markii u la hadlay saxaafadda, waxa uu raacay kolonyo baabuur ah oo aad loo ilaalinayay.

Dadka ka soo horjeeda waxa ay ku baaqayaan in dibad baxyadu ay sii socdaan, kuwaas oo looga soo horjeedo qorshaha uu ku doono in uu mar sedaxaad isu soo sharaxo xilka madaxweynaha.

Doorashooyiinka dalkaasi ayaa la qorsheeyay in ay dhacaan dhammaadka bisha soo socoto.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM