Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmey Cali Khaliif Galeyr

Image

Dec 12, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxmad Cali Gaas oo booqasho ku jooga magaalada Muqdishu ayaa wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan inuu kulan la qaatey Cali Khaliif Galeyr.

Kulankaan oo lagu qabtey aqalka Ra'isal wasaaraha Somalia ka dagan yahay Villa Somalia ayaa wararka ka imaanaya xusayaan in lagaga hadlay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labadaan mas'uul.

Wadahadlkaan ayaa dhinaca kale waxa goob joog ahaa madaxweynaha Jubaland Axmad Madoobe iyo xubno kale ee ka tirsan Barlamanka Federaalka Somalia.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Mudane Cali khaliif Galeyr ku eedeeyey Puntland iney hortaagan tahay maamul ay sameysteen gobolada Sool iyo Sanaag isaga oo madaxweyne Gaas ka codsadey iney aqoonsadaan Khaatumo.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas  oo kulankaas ka hadley ayaa wararka aan heleyno sheegeyaan inuu xusey inuusan wax dhib ah ku qabin aqoonsiga Khaatumo balse marka hore loo baahan yahay in shacabka labadaas gobol mowqif mideysan ka yeeshaan maamul u gaar ah.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dowlada Federaalka Somalia raadineyso tageero siyaasdeed in gobolada Sool iyo Sanaag yeeshaan maamul goboleed u gaar ah inta ana la gaarin doorashada 2016.

Magaalada Nairobi ayaa dhowaan waxaa ku kulmey siyaasiyiin ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag kuwasoo ka hadlayey sidii loo sameyn lahaa maamula labadaas gobol gaar u ah kaasoo la kulmey diidmo xoogan oo kaga timid waxgaradka degaanadaas,

Cali khaliif Galeyr oo ka tirsan Barlamanka Federaalka Somaliaya ayaa loo doortey madaxweynaha maamulka la magac baxey Khaatumo August 14, 2014 isagoo tageero aqoonsi ka raadiya beesha caalamka iyo dowlada Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM