Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somlia oo Garowe soo gaarey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

April 28, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Puntland, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale dadweyne tira badan oo ruxayey caleemo qoyan iyo calammada Puntland iyo Somalia ayaa taagnaa hareeraha jidka laamiga ee isku xira garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada.

Wafdiga waxaa loo gudbiyey dhanka madaxtooyada halkaaso la filayo in labada madaxweyne si wadajir ah saxaafadda ugula hadlaan.

Muddada Xasan Sheekh Garowe ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo waxyaabaha ay kawada hadli doonaan madaxda Puntland iyo federaalku, balse wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya inay ugu muhiimsan yihiin Higisiga 2016-ka iyo maamulka la qorsheynayo in loo dhiso gobollada dhexe.

Dhanka kale, waxaa magaalada Garowe ka dhici doona wejiga labaad ee shirka dowladda dhexe ee federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka.

Madaxweyneyaasha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shiriif Xasan ayaa iyagana la filayaa in saacadaha soo socda ay Garowe soo gaaraan.

Bishan April horraanteedi waxan sidan oo kale Garowe booqasho ugu yimid wafdi uu hoggaaminayey Ra'isal Wasaaraha Dowaldda Federaalka Cumar Cabdirashiid Sharmaarke.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii  labaad ee uu ku yimaado Garowe laga soo bilaabo markii la doortey. Faah faahin dheeri ah iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM