​Madaxweynaha Gaas oo difaacay diidmada Puntland 4.5

Image

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas", ayaa mar kale ka hadlay nidaamka wax ku qaybsiga beelaha  ee 4.5, wuxuuna difaacay go'aanka Puntland arrintaasi ka istaagtay isagoo dhaliilay ku noqoshada habkaas.

Cabdiwali Maxamed Cali oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA, ayaa nidaamka la sheegay in doorashada 2016 lagu salayn doono ku macneeyay qaab horey loo soo dhaafay islamarkaana aan xal u ahayn shacabka Somaliyeed.

Mar wax laga weydiiyay sababta Puntland ugu dhagantahay deegaanka waxa uu sheegay inaysan xal gooni ah kala hayn, balse tahay nidaamka kaliya ee la qaadan karo maadama suurtoobi wayday hal qof iyo cod, wuxuuna meesha ka saaray in Barlamanka Puntland lagu soo doorto qabiil isagoo taa badalkeeda xusay inay ku yimaadaan qaab deegaan.

Madaxda dalka, ayuu xusay inay mas'uuliyad ka saarantahay danta shacabka, wuxuuna sheegay inaysan Puntland qayb ka noqon doonin go'aamo lagu burburinayo danta shacabka Somaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas, ayaa walaac ka muujiyay ururada xagjiriinta ah ee kusugan deegaanada Puntland gaar ahaan buuraha Gal-gala, wuxuuna sheegay inay si gooni ah ula soconayaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Gaas, ayaa xusay in dadka oo wadajira looga guulaysan karo falalka iyo dilalka foosha xun ee kooxaha argagixisadu u gaystaan shacabka Somaliyeed, wuxuuna tilmaamay in Puntland cadow u aragto dhammaan kooxaha magac diimeedka wata gaar ahaan ururada Daacish iyo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Puntland oo haatan kusugan dalka Maraykanka gaar ahaan caasumadda waddankaasi, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay tubta hadda Somalia kusocoto, isagoo sheegay in waqti dhow noqon doonto dal nabad ah oo cagihiisa isku taaga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM