Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Godoonka Barlamaanka

Image

May 17, 2015 (GO)- Maalmo kaddib markii qaar kamid ah xildhibaannada Barlammaanka Puntland soo gudbiyeen qoraal ay ku dalbanayaan kal-fadhi deg deg ah si looga arrinsado xaalado taagan oo ay ku tilmaameen kuwo xasaasi ah, ayaa maanta waxaa Garowe ku kulmey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Gudoonka Barlamanka Puntland. 

Mas'uuliyiintaan oo wada qaatey kulan quraac ahaa ayaa si qoto dheer isula gorfeeyey dalabka xildhibaannada, sababta xilligan kusoo beegtay iyo weliba suuragalnimada in kal-fadhi deg deg ah la qabto maadaama ay muddo koobani ka dhiman tahay waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 35aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Kulankaan ayaa sidoo kale lagu wada hadalsiiyey Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka iyo madaxweyne ku-xigeenka kadib markii muddo isku khilaafsanayeen xubinta buuxineysa halkii ay baneysay xildhibaan Saado Cali.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale galabta kulan la qaadan doona xildhibaannada dalbanaya kal-fadhiga deg deg ah, wuxuuna kala hadli doonaa arrimo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM