Madaxweynaha Jubaland oo lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], iyo wafdiga uu horkacayo ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caasimada dowlada Puntland ee Garowe.

Wafdiga Axmed Madoobe waxaa qaabilay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo u sii galbiyey goobta ay ka degi doonan magaala madaxda maamulka ugu da’da weyn federaalka ka tisqaadey Soomaaliya.

Ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu yahay ka qeybgalka shir ay Puntland iyo Jubaland ka yeelanayaan waqtiga kala guurka ah ee Soomaaliya iyo doorashooyinka sanadka dambe.

Labadan maamul ayaa qaadacay go'aano ay Dhuusamareeb 3 kasoo saareen Villa Soomaaliya iyo hogaamiyeyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo khuseeya nooca coddeynta 2020-21.

Go'aanadaas qabyadda ah ayaa xeerinayey in doorashada soo aadan ay noqoneyso degaan doorasho ay kursigii soo dooranayaan 301 isla markaana uu maamuli doono guddiga doorashooyinka qaranka.

Beesha Caalamka oo Farmaajo u sheegtay in natiijadii DhuusamareebIII ay ahayd qorshe ay Madaxtooyadda dejisatay ayaa ku waanisay in uu mar kale la fariisto hogaanka Puntland iyo Jubaland kuna qanciyo.

Doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka 2020 iyo bilowga 2021 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, hase ahaatee, waxaa la isku raacay in aysan qabsoomi karin, lagana heshiiyo qaabka lagu galayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM