Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Yuusuf Bidde

Image

May 20, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyey geerida Guddoomiye ku xigeenkii Koowaad ee gobolka Bari Marxuum Yuusuf Muumin Bide oo maanta degmada Qardho ku geeriyoodey.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey marxuumka in jannadiisa Fardawsa ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana ka siiyo dhammaan eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland iyo Soomaali oo idil oo uu ka baxay .

Si gaar ah Madaxweyne Gaas wuxuu ugu tacsiyeeyey qoyskii uu kabaxay isagoona Alle uga baryey in qabriga uu u waasiciyo dambigiisana uu dhaafo.

Yuusuf Muumin oo xilkan muddo dheer soo hayey, wuxuu kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn looga tix geliyo gobolka Bari, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii soo maray Soomaaliya iyo Puntland.  

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM