Madaxweynaha PL iyo wafdigiisa oo Garowe kusoo wajahan

Image

February 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta kusoo wajahan xarunta dowlada Puntland ee Garowe.

Diyaar garow xooggan oo ku aadan sidii wafdigaas loo soo dhoweyn lahaa ayaa magaalada Garowe ka socda, waxaana xilligan garoonka diyaaradaha ku sugan mas'uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, madax dhaqameed iyo dadweyne boqollaal gaaraya.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadli doona madaxtooyada isagoo si kooban uga warbixin doona kulamadii uu Muqdisho kaga soo qayb galay iyo weliba natiijooyinkii kasoo baxay.

Booqashadan ayaa ahayd tii ugu horreysey ee rasmi ah ee Cabdiweli Gaas Muqdisho ku tago laga soo bilaabo markii uu xilka qabtey. 

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM