Ururka Somalia Rebuild oo 121 ari ah qaybiyey

Image
Image
Image
Image

October 4, 2014 (GO)- Ururka samafalka Somalia Rebuild e.v. ee fadhigiisu dalka Jarmalka yahay oo kaashanaya labada urur ee Hilaal iyo ATIB, ayaa 121 neef oo ari ah ugu deeqay dadka danyarta ah ee aan awoodin inay  maalinta ciidka  xoolo qalaan.

Xoolaha oo laga qaybiyey magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo oo labadooduba gobolka Bari ka tirsan, waxaa la gaarsiiyey dad si gaar ah loosoo xulay oo ka tirsan bulshada qaybaheeda danyarta ah iyo weliba dadka nugul sida naafada iyo kuwa xanuunnada dhimirka qaba.

Saamiga ay magaalada Boosaaso heshay waxaa dadkii la siinayey kamid ahaa: agoomaha,  xarumaha lagu xanaaneeyo dadka xanuunada dhimirka qaba, goobaha lagu dhaqan celiyo dhallinyarada darbi jiifka ah, dadka la nool curudka HIV Aids barakacayaasha iyo saldhigyada booliska.

Xasan Maxamuud Yuusuf waa wakiilka Ururka Somalia Rebuild u jooga gobolka Bari, wuxuuna sharaxaad ka bixiyey deeqda xoolaha ah, cidda ku deeqday iyo weliba dadka loogu tala galay in la gaarsiiyo.

Wakiilka Somali Rebuild wuxuu sidoo kale goobta ka akhriyey dhammaan magacyada dadka xoolaha soo diray si ay markhaanti uga noqdaan in xoolihii ay sadaqeysteen sidii ay rabeen loo bixiyey dadkii ay ugu tala  galeenna la gaarsiiyey.

Qaybta labaad ee xoolaha oo tiradoodu dhamayd 30 neef oo ido iyo riyo isugu jira, waxaa laga qaybiyey degmada Carmo oo 100km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan. Si gaar ah xoolahaas waxaa loogu qaybiyey qaybaha bulshadada ee danyarta ah, barakacayaasha iyo saldhigyada booliska.

Qaar kamid ah dadkii xoolaha la siiyey oo dareenkooda wax laga waydiiyey waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin xoolaha loogu deeqay iyagoo si weynna ugu mahadceliyey walaalahooda muslimka ah ee deeqdan soo diray.

Dhowr mar oo hore ayaa Ururka Somali Rebuild iyo ururada kale ee  ATIB iyo Hilal oo isagu uu wakiil ka yahay waxay sidan oo kale deeq xoola nool ah usoo gaarsiiyeen dadka danyarta ah ee aan awoodin inay udxiyada qalaan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM