Madaxweynaha PL oo ka hadley maxbuus lagala baxey Maxkamada "Dhageyso"

Image

GAROWE April 26,2015 ( GO)- Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Cali Gaas oo maanta dib ugu soo noqdey magaalada Garowe ayaa ka warbixyey safarkii uu ku tagey wadanka Ethiopia isaga oo sheegey in kulamo la qaatey madaxda wadankaas.

Safarka madaxweynaha Puntland oo qaatey muddo toban cisho ayaa waxaa uu sheegey in wadankaas kaga qayb galey kulan la yiraahdo Tana Forum kaasoo lagu qabto magaalo la yiraahdo Bahar Dar sanad walba.

Mud. Cabdiweli Cali Gaas oo la hadley saxaafada kadib markii uu kasoo dagey magaalada Garowe ayaa sheegey in markii xaqiiq dhab ah laga ogaado qofkii fuliyey qarax lala beegsadey shaqaalaha hay'ada UNICEF loo soo bandhigi doono shacabka.

Madaxweyne Gaas ayaa ciidamada Puntland ku bogaadiyey sii wadida dagaalka adag oo ay dawaladdu kula jirto kooxda Al-shabaabka ku dhuumaaleysta Puntland waxaana uu tilmaamay in Puntland ay ka adag tahay adkaynta midnimada iyo amnigeeda.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa wax laga waydiiyey dhacdadii ciidamada madaxtooyada Maxkamada Garowe kala baxeen eedeysane isaga oo dacwadiisa la qaadayo.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa sheegey in fal la aqabali karo aheyn dadkii ka dambeeyeyna talaabo laga qaadi doono.

Maxakamda darajada Koowaad ayaa tan iyo asbuucii lasoo dhaafey xireyd kadib markii ciidamo la sheegey iney ka tirsanaayeen madaxtooyada Puntland kala baxeen eedeysane halkaas dacwadiisa lagu qaadayey.

HALKAN KA DHAGEY WARSAXAFDEEDKA MADAXWEYNE GAAS

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM