Madaxweynaha PL oo kulan la qaatay Philippe Lazzarini

Image

January 21 , 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe wuxuu ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya dhinaca horumarinta iyo samafalka Philippe Lazzarini iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey.

Kulankan gaarka ah oo Madaxweyne Gaas la qaatay Philippe Lazzarini ayaa waxay uga wada hadleen arrimaha kala ah bini'aadanimada, horumarka, Nabad gelyada iyo kor u qaadista wada shaqeynta u dhaxaysa Puntland iyo Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Puntland Gaas ayaa saxaafadda u sheegay in isaga iyo Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Philippe Lazzarini ay ka wada hadleen arima ay ka mid yihiin barnaamijka hiigsiga cusub ee Soomaaliya iyo meesha uu marayo.

Wuxuuna dhanka kale Madaxweyne Gaas uu xusay in  Mr. Lazzarini ay isku afgarteen in Puntland lagu qabto shirar kala duwan oo uu ugu horeeyo shirka qeybta horumarinta ee ka dhici doona Garoowe asbuuca soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM