Madaxweynaha PL oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya

Image

NAIROBI, May 4,2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo May 2, 2015 ka ambabaxey magaalada Garowe ayaa kulan magaalada Nairobi kula qaatey Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamino Cabdulaahi.

Mudane Cabdiweli Gaas oo ku sii jeeda wadanka Talyaaniga ayaa kala hadley Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya  xaaladda Somalia, kulankii ay magaalada Garowe ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka iyo; dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Somalia iyo weliba arrimaha amniga.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa laga yaabaa inuu kulan la qaato Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya John Kerry oo isagu shalay magaalada Nairobi soo gaarey, kulankaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga Somalia gaar ahaan dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab.

Garowe Online kala soco wararka kasoo kordha kulamadaas.

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM