Madaxweynaha PL oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya

Image

NAIROBI, May 4,2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo May 2, 2015 ka ambabaxey magaalada Garowe ayaa kulan magaalada Nairobi kula qaatey Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamino Cabdulaahi.

Mudane Cabdiweli Gaas oo ku sii jeeda wadanka Talyaaniga ayaa kala hadley Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya  xaaladda Somalia, kulankii ay magaalada Garowe ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka iyo; dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Somalia iyo weliba arrimaha amniga.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa laga yaabaa inuu kulan la qaato Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya John Kerry oo isagu shalay magaalada Nairobi soo gaarey, kulankaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga Somalia gaar ahaan dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab.

Garowe Online kala soco wararka kasoo kordha kulamadaas.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM