Madaxweynaha PL oo la kulmey wafdi ka socda Bankiga Adduunka

Image

March 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta madaxtooyada Garowe ku qaabiley wafdi ka socday Bankiga Adduunka. Wafdigaas waxaa hoggaaminayey Mr. Thilasoni Benjamin Musuku oo ah mas'uulka Bankiga Adduunka u qaabilsan horumarinta mashaariicda ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha iyo waftiga ayaa ka wada hadlay  arimo ay ka mid yihiin, horumarinta bankiga Puntland iyo kobcinta qaabka uu u shaqeeyo bankigu.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo casriyeyn lahaa qaab xisaabeedka uu ku shaqeeyo Bankiga Puntland loona tayeyn lahaa shaqooyinka Wasaaradda Ganacsigu qabato gaar ahaan bixinta shatiyada ganacsiga.

Kullanka ayaa mudadii uu socday sidoo kale looga hadlay laguna falanqeeyey saamiga ay Puntland ka heli doonto deeq lacageed oo gaareysa soddon milyan oo doolar, lacagtaasoo Bankiga Dunidu ugu deeqay Soomaaliya oo dhan.

Bankiga Adduunka ayaa balan qaaday inay mashaariic badan ka hirgelin doonaan Puntland marka la gaaro bisha June ee soo socota.

Ma ahan markii ugu horreysey ee wafdi ka socda Bankiga Adduunku la kulmaan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM