Madaxweynaha PL oo qaabilay ku-xigeenka cusub ee Nicholas Kay [DHEGEYSO]

Image
Image
Image

August 5, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Kui xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay ku xigeenka cusub ee wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Kullan gaar ah oo ay wada qaateen ayey uga hadleen arrimaha Soomaaliya , howlaha muhiimka ah ee Qaramada midoobay ka wado gudaha Puntland iyo weliba hirgelinta barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland.

Kadib markii uu soo dhammaday shirkaasi ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta qeybaheeda kala duwan ula hadlay Madaxweynaha Gaas iyo Danjire Peter de Clercq , iyagoo xusay in kulankaasi guul kusoo dhammaaday.

'' Waxaan sidookale ka wada hadalnay taageerada Qaramada Midoobay ee Puntland , hanoqoto xagga bini'aadanimada , arrimaha nabad-gelyada iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa dawladdnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadda '' Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Peter de Clercq ayaa dhankiisa Puntland ku amaanay horumarka ay gaartay, isagoo dhanka kale ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, sheegayna in Qaramada Midoobay ay sii wadayso taageerada dhinackasta ah ee ay siiso Soomaaliya .

Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas ayaa qado sharaf u sameeyey Peter de Clercq iyo wefdigii balaarnaa ee uu hogaaminayey .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM