Madaxweynaha Puntland la kulmey deeq bixiyaal Jarmal ka socda

Image
Image
Image
Image

16 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xarunta madaxtooyada Puntland ku qaabilsay saraakiil ka socda hay'adda kaalmada Jarmalka GIZ, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Galkacyo.

Labadan sarkaal oo lagu kala magacaabo Christoph Schmidt iyo Mark Patrick Deasy, ayaa kulanka ka sheegay inay dhawaan bilaabi doonto dayactirka wadada.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa tilmaamay in jidkan muhiim u yahay isku socdka bulshada, wuxuuna ka codsaday inay dhaqso u bilaabaan isaguna si dhaw ula socon doono.

Jidka laamiga ah ee isku xira Garowe iyo Galkacyo, ayaa waxaa ka muuqda bur-bur xooggan, waxaana dhiba kala kulma gaadiidka isticmaala, barnaamij arrintaasi wax looga qabanayo waxaa xariga ka jaray Madaxweyne Gaas, balse ma jirto ilaa hadda wax ka hirgalay.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM