Madaxweynaha Puntland oo Addis Ababa u duuley

Image
Image
Image
Image

April 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay xarunta dalka Ethiopia ee Adis-ababa.

Madaxwaynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasirro iyo saraakil katirsan madaxtooyada, waxaana garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku sagootiyey madaxwayne ku xigeenka, wasiirro, xildhibaanno, saraakil ciidan iyo mas'uuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa dalka Ethiopia u aaday sidii uu uga qeyb geli lahaa kulan loogu magac daray Tana Forum kaasoo sanad walba la qabto loogana hadlo qodob la xiriira arrimaha amaanka Africa .

'' Xoojinta ganacsiga iyo amniga labada dal ayaan sidoo kale kawada hadlaynaa madaxda dalka Ethiopia, guul iyo kheyr baana rajaynayaa Puntland nabad-gelyo iyo horumar ayaan u rajaynayaa '' ayuu yiri Madaxweyne Gaas. 

Cali Gaas iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa maalmaha kooban ee ay ku sugan yahiin dalka Ethiopia kulamo la qaadan doona qaar kamid ah madaxda dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM