Madaxweynaha Puntland oo amar kasoo saarey dilka iyo kufsiga Caasha Ilyaas

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynah Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa war kasoo saarey dilkii iyo Kufsigii lagula kacay Caasha Ilyaas Aadan, oo ahayd gabar 13 sano jir ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu amar ku siiyay hay'adaha amniga inay si deg deg ah uga howlgalaan baarista kiiska Gabadha.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale tacsi u diray qoyska, eheladda iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, oo la murugoonayay dilkii arxan darrada ahaa ee loogu geystay waqooyiga Gaalkacyo, Caasha Ilyaas habeenkii Axada ee lasoo dhaafay.

Dilka Gabadhan yar ayaa kiciyay carro dadweyne, iyadoo magaaladda Gaalkacyo lagu soo waramyo inuu ka socdo dibadbax maalintii labaad, kaaso oo looga soo horjeedo falka foosha xun ee lagula kacay AUN Caasha Ilyaan Aadan.

Baraha Bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa dilka iyo kufsiga ka dhacay Gaalkacyo, kaaso oo noqonaya midkii labaad oo bishan gudaheeda ka dhacay magaaladdan oo ay kawada taliyaan Puntland iyo Galmudug.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFDEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM