Madaxweynaha Puntland oo berri u ambabaxaya dalka Jabuuti

Image

BOSSASO, Puntland- Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ku wajahan yahay dalka Jabuuti halkaas uu kaga qayb gali doono xaflada caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweyne Gaas oo Puntland dib ugu soo noqdey asbuucaan la soo dhaafey ayaa magaalada Bossaso kaga qayb galey xaflad lagu dhagax dhigayey wajiga labaad ee garoonka magaalada Bosaso.

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu ku weheliyo Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Qarjab oo maalintii shaley dhaawac kasoo gaarey israsaseyn dhexmartey ilaalada taliyeyaasha Booliska iyo Birmadka.

Israsaaseyntaan ayaa waxaa ku dhintey sarkaal ka tirsan Booliiska Puntland halka ay ku dhaawacmeen 5 Askari oo kale kuwasoo lagu daaweynayo Isbitaalada ku yaala magaalada Bossaso.

Caleemo saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxaa ka qayb galaya madaxda Dowlada Federaalka iyadoo la filayo inuu halkaas soo gaaro Madaxweyne Xasan Shiikh.

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli saraakiisha amniga khilaaf xoogan soo kala dhexgaley kadib markii maalintii shaley gacan ka hadal iyo is-xabadeyn ku dhexmartey xerro ciidamada ah ee ku taal magaalada Bosaso.

Khilaafkaan oo salka ku haya wada shaqeyn la'aan xubnaha uga sareeya ha'daha Amniga ayaa la rumeysan yahay in muddo ah soo jiitamayey kaasoo bilowdey markii xilka loo magacaabey Taliyaha Booliska Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM