Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku tagaya Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dawladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shaaciyay in uu booqasho rasmi ah ku tagi doono magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Deni ayaa ku dhawaaqay go'aankaas kadib kulankii gollaha wasiiradda Puntland ee maanta ka dhacay Garowe, kaasoo sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo kamid yahay Coronavirus.

Safarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Muqdisho ayaa ka dambeeyay kadib markii uu kulan la qaatay goleyaasha kala duwan ee dowladda Puntland.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore u dirtay Garoowe wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano kuwaasoo ka qeybgalay shirkii wadatashiga Puntland.

Shirka Wadatashiga Puntland oo saddex maalmood socday ayaa war-murtiyeedka kasoo baxay wuxuu ku baaqay shir ay yeeshaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu xusay inuu tegayo magaalo madaxyada maamulada dalka, iyaddoo safarkan u noqon doono midkiisii ugu ballaarnaa tan iyo doorashadiisii sanadkii tagey.

Dhinaca kale, Deni ayaa tibaaaxay in la fasaxayo iskuuladda iyo goobaha kale ee tacliinta Puntland, si looga hortago Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyay laga helay Muqdisho Isniintii lasoo dhaafay.

Shaacinta socdaalkiisa magaala madaxda Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aadaya xili uu shir ku casuumay madaxda maamul goboleedyadda iyo kuwa dowladda federaalka ah, kaasoo ka dhacaya Garowe.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM