Madaxweynaha Puntland oo dhaliil culus u jeediyey Beesha Caalamka

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay Amniga Guud ee Puntland, Qorsheeyaasha dhinaca Amniga ee socda ayaa ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maanta "arxan laawayaasha ah cadowga ummada Soomaaliyeed ku dileen Gaalkacyo".

Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Mudug, isagoo sheegay "in falkaasi argagixiso uusan niyad-jab iyo baaqsasho ku keenayn shaqada socota, howlgalada amni ee argagixisada lagusoo afjarayona ay sii socon doonaan inta laga sifeynayo dalka".

Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda la marinayo dadkii ka danbeeyay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal, iyo sidoo kale dadka lagu helo baaritaanada socda ee dilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay in dhammaan xubnaha argagixisada ah ee ka danbeeyay weerarada noocan oo kale ah in cadaaladda la horgeyn doono la xukumi doono, ciqaabtoodana lagu fulin doono fagaare Bulshada horteeda.

"Dowladda Puntland waxay dagaal kula jirta argagixisada ah cadowga Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland waxay howlgalo amniga lagu sugayo ka wadaan magaalooyinka waa weyn, waxay fashiliyeen weeraro la maleegayey iyagoo qabqabtay unugyada argagixisada ee magaalooyinka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Beesha Caalamka ayuu ku dhaliilay in aysan ka taageerin Puntland dhanka ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada. Koonfurta Soomaaliya oo amni darada ay kasii dareyso ayuu tibaaxay in ay malaayiin Doolar ku bixiyaan.

"Waxaa shaki naga galay in ay u muuqato waxaan wax idin tareynaa goorta la idin burburiyo oo ammaankiina la baabi'iyo oo noloshiina halowdo," ayuu raaciyey, isagoo xusay in Puntland isku tashaneyso.

Ugu danbeyn, madaxweynaha ayaa wuxuu ugu baaqay Shacabka Puntland inay doorkooda ka qaataan illaalinta amniga iyo horumarka Puntland, wuxuu si gaar ah Madaxweynuhu fariin ugu diray dhallinyarada reer Puntland inay dowladda kala shaqeeyaan amniga, isagoo carabka ku adkeeyay in ay sarre u qaadayaan tababarkooda.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM