Madaxweynaha Puntland oo diidey mushahar la'aanta ciidanka [Dhageyso]

Image

Sept 26, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo dhowaan siiyey wareysi qaar kamid ah saxaafada gudaha ayaa gabi ahaanba meesha ka saarey iney jirto mushahar la'aan haysata ciidamada islamarkaana sheegey in dowladiisu bixisay dhamaan lacagihii lagau lahaa.

Mar wax laga waydiiyey ciidamada Puntland oo gadoodey, Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas wuxuu sheegey in ciddii sameeysay  gadood iyo amar diida lala xisaabtami doono.

"Adeer ciidan aan mushahar qaadani ma jiraan, ciddii waxaas sameysayna waa lala xisaabtamayaa, wax jirana maaha, hawsha aad hadda sheegtayna adiga un baan afkaaga ka maqalayaa, ma garanayo howshaasi meel ay ka socoto"

Wuxuu sidoo kale ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo daabicista lacagta Shilin Soomaaligu oo dufcdeedii ugu horeysay lagu arkayey suuqayada Puntland asbuucyadii ugu dambeeyey.

Xukuumada Puntland oo kala kulantey eedymo gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia, beesha caalamka iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa gabi ahaanba ka baaqsatey iney ka hadasho daabicista lacagaha Shilin Somaliga ah ee faalsada ah.

Diidista madaxweynaha Puntland ee mushahar la'aanta ciidamada ayaa kusoo beegmeysa maalmo kadib markii ciidamo kala jooga Bosaso, Garowe iyo Galkacayo gadoodeen kuwasoo ka cabanayey ineysan muddo bilo ah aysan helein xuquudoodii.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ciidamada ku xereysan 54aad booqdey kadib markii ay ka gadoodeen mushahr la'aan haysatey muddo 28 bilood ah isaga oo balan qaadey in xukuumada xuquuqdooda raadin doonto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM