Madaxweynaha Puntland oo diray hambalyada ayaamaha xoriyadda

Image

June 25, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan ugu hambalyeeyey maalmaha xoriyadda Soomaaliya oo inagu soo aadan , islamar ahaantaana ah maalmo taariikhi ah.

"Waxaan ugu horeyn hambalyeeyn maalinta 26-juun oo ah maalintii ugu horaysay ee dalka laga taagay calan Soomaaliyeed iyo maalinta xigta oo 27-juun ah oo ah maalintii xoriyadda walaalaheena Jabuuti iyo sidookale maalinta 1-da luulyo oo iyana nagu soo aadan" Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda reer Puntland u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo , rabina uu ka saaro dhibaatooyinka dalka kajira .

"Waxaan rajeynaynaa inagoo mid ah Soomaali ah meelna uwada socda in aynu hanano dawladnimadeeni iyo qaranimadeeni si buuxda oo wanaagsan , dawladnimo Soomaaliyeed ayaa dhammaanteen ina deeqda"  Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynuhu.

Cabdiweli Gaas ayaa sidookale si gaar ah ugu hambalyeeyey shacabka iyo dawladda Jabuuti sanadguuradooda 38-aad ee ka soo wareegatay xornimadoodi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM