Madaxweynaha dowlada Puntland oo furey mashruuc dhireyn ah

Image
Image

November, 15, 2014 [GO]- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daaha ka qaadey mashruuc loogu magac-darey cagaarinta Magaalooyinka Puntland waxa uu ku talalaalay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Abuurista geedkan ayaa qayb waxa uu ka yahay Mashruuc lagu cagaarinayo 7 degmo oo ka tirsan deegaanada Puntland iyadoo hawshan iska kaashanayaan Wasaarada Deegaanka Puntland  iyo Hay'ada ADESO.

Wasiirka Deegaanka dowladda Puntland  Guuleed Saalax Barre ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sidii magaalooyinka Puntland bilicdoda kor loogu qaadi lahaa isla markaana bulshada reer Puntland laga doonayo kaalintooda inay ka qaataan.

Wasaarada degaanka iyo durjoogta Puntland ayaa waxaa dhidibada u aasey dowladii uu hogaaminayey Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Farole iyadoo kadib beesha caalamka ugu deeqdey mashaariic lagu ilaalinayo degaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM