Madaxweynaha Puntland oo furey xarun lagu daryeelo Hooyada

Image

November 17, 2014 [GO]- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah waxa uu xariga uga jaray Xarun Cusub oo loogu talagalay in lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka loogana hortagao dhibaatooyinka hooyada iyo cunigeeda soo food saara,  waxaana dhismaha xaruntan iska kaashaday shacabka Magaalada Garowowe iyo Hay'ada UNFPA 

Munaasibada xariga looga jarayay xaruntan ayaa waxaa kaloo kasoo qayb galay Wasiiro , Madax ka socotey UNFPA , Maamulka degmada Garoowe , Maamulka Cisbitalka Garowe , Dhaqaatiir iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland Saadiq Eenow ayaa bulshada siiba gabdhaha ugu baaqay inay yimaadaan xaruntan si ay oga  faa'ideystaan maadama ay tahay mid bilaasha ah islamarkaana yimaadaan waqtiga dhalmada ka hor si ay u hubiyaan caafimaadkooda.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo booqasho ku sameeyay qaybaha ay ka koobantahay xaruntan ayaa sheegay in xukuumadiisu  muhiimada siinayso caafimaadka iyo waxbarashada sidaa  darteed ay doonayaan in barnaamijkan la gaarsiiyo deegaanada kale ee Puntland.

Mashrucaan maanta la furey ayaa waxaa barnaamijkiisa bilaabey dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxman Farole iyadoo culmaa'udiin uu horkacayo AHN Shiikh Cabdulqaadir ka codsatey in bulshada gobolka ka dalbadaan iney ka qayb qataan hirgalinta xaruntaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM