Madaxweynaha Puntland oo furey xarun lagu daryeelo Hooyada

Image

November 17, 2014 [GO]- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah waxa uu xariga uga jaray Xarun Cusub oo loogu talagalay in lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka loogana hortagao dhibaatooyinka hooyada iyo cunigeeda soo food saara,  waxaana dhismaha xaruntan iska kaashaday shacabka Magaalada Garowowe iyo Hay'ada UNFPA 

Munaasibada xariga looga jarayay xaruntan ayaa waxaa kaloo kasoo qayb galay Wasiiro , Madax ka socotey UNFPA , Maamulka degmada Garoowe , Maamulka Cisbitalka Garowe , Dhaqaatiir iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland Saadiq Eenow ayaa bulshada siiba gabdhaha ugu baaqay inay yimaadaan xaruntan si ay oga  faa'ideystaan maadama ay tahay mid bilaasha ah islamarkaana yimaadaan waqtiga dhalmada ka hor si ay u hubiyaan caafimaadkooda.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo booqasho ku sameeyay qaybaha ay ka koobantahay xaruntan ayaa sheegay in xukuumadiisu  muhiimada siinayso caafimaadka iyo waxbarashada sidaa  darteed ay doonayaan in barnaamijkan la gaarsiiyo deegaanada kale ee Puntland.

Mashrucaan maanta la furey ayaa waxaa barnaamijkiisa bilaabey dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxman Farole iyadoo culmaa'udiin uu horkacayo AHN Shiikh Cabdulqaadir ka codsatey in bulshada gobolka ka dalbadaan iney ka qayb qataan hirgalinta xaruntaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM