Madaxweynaha Puntland oo gaaray Jariiban, Mudug

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JARIIBAN-Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Jariiban ee gobolka Mudug, isagoo safar kusii ah deegaanka Garacad ee gobolkaas, waxaan madaxweynaha degmada soo dhaweyn ugu sameyay boqolaal dadka deegaanka kamid ah.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa la hadlay dadka soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in kooxa xagjirka ah laga sifayn doono deegaanada Puntland, isagoo dhinaca kale u mahadceliyay dhammaan ciidamada Puntland ee ka qayb galay dagaallada lala galay kooxaha lala xiriirinay Shabaab.

Wuxuu sheegay inuusan dagaalku weli dhammaan islamarkaana uu hadda bilowyahay, isagoo bulshada reer Puntland ku ammaanay inay ka qayb qaatan sidii cadowga looga sifayn lahaa deegaanada Puntland.

Gaas ayaa soo hadal qaaday maxaabiista laga qabtay Shabaab, wuxuuna tilmaamay in dhalintaasi oo u badnaa da'yar loo samayn doono dhaqan celin iyo hanuunin maadama ay yihiin carruur lasoo qalday.

Wafdiga Gaas ayaa la filayaa inay muddo kooban joogaan degmada islamarkaana maanta u gudbaan dhinaca Garacad, isagoo booqanaya goobihii lagu dagaallamay, waxaana madaxweynaha safarka ku wehilinaya xubno katirsan xukuumadda iyo saraakiil kale.

Wariyaha Radio Garowe ee wafdigaasi la socda, ayaa kusoo waramaya in xaaladu dagantahay maanta, wuxuuna tilmaamay in safarkan ujeedkiisu yahay qaabkii loo dhiiri galin lahaa ciidamada guulaystay ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM